Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Bosaaso: Dowlada Puntland oo Idaacado FM ah Albaabada u Laabtey.

$
0
0

daljir-300x225Dowlada Puntland ayaa Maanta Waxay Albaabada isugu Dhifatay Labo Idaacadood oo FM ah ,Kuwaas oo ka howlgeli jirey Deegaanada Puntland.

Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Gudaha Magaalada Bosaaso ayaa Saaka  Aroortii Waxay ku Waaberiisteen Xarumihii Ideecadaha Kuwaas oo Albaabada isugu dhiftay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Warqad ka socota Xukuumada lagu joojiyay Shaqadii Idaacadaha Daljir iyo 1Nation ay ka hayeen deegaanada Puntland Gaar Ahaan Magaalada Boosaaso.

Inkastoo aan jirin xaqiijin dhab ah oo ku aadan sababaha loo xiray idaacadahan ayaa hadana waxa jiray mudooyinkii ugu dambeeyay Go’aano Wasaarada  Warfaafinta Puntland ku soo rogtay Idaacadahan balse aan sidii la rabay u hirgelin.

Waxii faah faahin ah ee ku soo kordha talaabadan lagu xiray idaacadahan kala soco wararkeena  dambe Hadii Eebe Idmo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369