Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dowlada Sacuudi Carabiya oo Qaadanaysa 10.000 oo Shaqaale Soomaali Ah.

$
0
0

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan bilaabeysa daabulida 10,000 oo shaqaalo Soomaali ah, kuwaasi oo si sharciyeysan kaga shaqeyn doono magaalooyinka dalka Sacuudiga.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa horey ugu heshiiyay in shaqaalahaasi la geeyaa dalka Sacuudiga si ay kaga shaqeystaan.

Shaqaalaha Soomaaliyeed ee la geynayo Sacuudi Carabiya oo rag iyo dumar ka kooban, ayaa waxay u badnaan doona dumar Soomaaliyeed, sida heshiiska ku xusan.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in dhawaan 10,000 oo shaqaale laga qaadi doono dalka Soomaaliya lana geynayo dalkaasi, si loo dhaqan geliyo heshiiskii horey loo gaaray.

Ka hor inta shaqaalahaasi aan la geyn dalkaasi, waxaana Sacuudiga tagi doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo heshiiska dhameystiraya, waxaana kadib bilaaban doono daabulida shaqaalaha Soomaaliyeed.

Shaqaalaha ayaa ka qaban doona dalkaasi Shaqooyin kala duwan.

Dalka Sacuudi Carabiya waxaa haatan ku sugan Soomaali badan oo qaarkood helay sharciga dalkaasi ay ku joogaan, halka Soomaalida kale ay tarxiil iyo dhibaatooyin kale kala kulmaan dalka Sacuudiga.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles