Sannad waliba oo soo mara nolosha aadanaha, wuxuu wataa saamayntiisa, isagoo si gaar ah u taabta qofka ama Bulasho kuwada nool, hal Qaarad, Hal Waddan,Hal Gobolka ama Magaalo, taasoo noqota arrin caan-baxda oo aad loo hadal hayo sannadkaas marka uu dhammaado Sanadkaasi.
Hadaba Warbaahinta Raadreeb.com Waxay Halkan Hoose Idiinku Soo Bandhigaysaa Shakhsiyaad aanu Isleenahay Sanadkii tegay,ama Sanadadii tegayba Waxay Bulshada Soomaaliyeed u ahaayeen Kuwo Lagu Xasuusan Doono Waxqabadkii ay Sameeyeen ee dhanka Arimaha Bulshada Ahaa.
Warbaahinta Raadreeb.com Xubnaha Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin Waxay u aqoonsatay Shakhsiyaadkii Sanadkii tegay ugu Saameynta iyo Waxqabadka Badnaa Marka Laga hadlayo u gargaarida Bulshada Soomaaliyeed ee Abaaruhu Saameeyeen.
Xubnahani Waxay ka Hawlgalleen Gobolada Puntland iyo Somaliland oo Abaartu darani ay ka dhacday,Waxay Cunto iyo Biyo La Gaareen Boqolaal Qof oo Haraad iyo Gaajo u dhiman rabay.
Xubnaha Deegaanada Puntland Ee Warbaahinta Raadreeb.com u aqoonsatay Shakhsiyaadkii Sanadkii Tegay Ayaa Kala Ah:-
1-Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre.
2-Nabadoon C/rashiid Cali Ciise.
3-Caaqil Ceynaanshe Camale.
4-Caaqil Maxamuud Saleebaan Maxamed.
5-Cabdi Shire Maxamuud.
6-Maxamuud C/laahi Sheekeeye.
7-Dr.Axmed Salaad Nuur(Shabac).
Dr.Axmed Salaad Nuur(Shabac) ayaa ah Shakhsigii ka dameeyey in Baraha Soomaalidu ku kulanto iyo Weliba Qeybaha kala Duwan ee Warbaahinta Soomaaliyeed Lagu Soo Bandhigo Abaarta ka jirta deegaanada Degmada Waaciye oo ah deegaan inta badan aysan Dawlada Puntland ka Warqabin.
Dr.Axmed Shabac ayaa Maamulka Degmada Waaciye u aqaabilsan Dhanka Waaxda Arimaha Bulshada,iyadoona La Oran karo Waa Masuul Shaqadii Maamulku u Igmaday kasoo Baxay,mudana in Abaal Marinta Degmada Waaciye La Gudoonsiiyo.
Xubnahan Kor ku xusan ee Isugu Jira Isimada iyo Aqoonyahanada Waxay Qeyb Libaax Leh ka qaataan Gurmadka iyo u gargaarida Bulshada Soomaaliyeed,iyagoona Juhdi iyo Dadaal dheeraad ah ku bixiya u gargaarida Bulshada Tabaalaysan iyo ka Shaqaynta Nabadgelyada Guud Ee Geyiga Soomaaliyeed.
Halkan ka Riix oo Akhriso Waxqabadkii Xubnaha Kor ku Xusan.
Halkan Riix oo Akhriso Waxqabadkii Xubnahan Kor ku Xusan.
Halkan Riix oo Akhriso Waxqabadkii Xubnahan Kor ku Xusan.
Halkan Riix oo Akhriso Waxqabadkii Xubnahan Kor ku Xusan.
Sidoo Kale Warbaahinta Raadreeb.com Shakhsiyaadka Sanadkii Tegay u Aqoonsatay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac(Tigey) iyo Suxufiga Soomaaliyeed ee Lagu Magacaabo C/maalik Muuse Coldoon oo inta badan ka hawlgalla Gobolada Somaliland iyo Weliba Magaalada Muqdisho ee Koonfurta ee dalka Soomaaliya.
Ex.Gudoomiye Tigey ayaa ah Muwaadin inta badan Baraha Internerka ee Bulshadu ku kulanto kusoo Bandhiga Khayraadka Dalkeena ka Buuxa,isagoona sidoo kale gargaar u fidiya dadka danyarta ee tabaalaysan.
Halkan Hoose Ka Daawo Khayraadka Dhulkeena ku jira ee Tigay Soo Bandhigay.
Ugu Damayntii C/maalik Muuse Coldoon Wuxuu Sameeyey Barnaamij la magac baxay Kaalmee kuwan oo ah Barnaamij inta badan lagu Caawiyo dadka xanuunsan ama kuwa tabarta daran.
Halkan Hoose ka Daawo Barnaamijka Kaalmee kuwan ee Suxufi C/maalik Muuse Coldoon.
Warbaahinta Raadreeb.com Waxay Sidoo Kale Bogaadinaysaa Cid Weliba oo Umada Soomaaliyeed ee Tabaalaysan Caawinta.
Raadreeb.com-C/laahi Sayidka(Holland).