Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dooranaya guddiyada doorashada gudoonka labada Aqal.

$
0
0

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii seddexaad ku yeelanaya xarunta baarlamaanka, waxaana kulanka looga hadlayaa arimo dhowr ah.

Sida qorshaha uu yahay xildhibaanada ayaa ka doodaya gudiyada doorashada guddooyka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay  fikrado ku darsan doono qaabka loo dhisayo guddiyada doorashada ee guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Cismaan Cilmi Boqore, guddoomiyaha KMG ah ee xildhibaanada golaha shacabka, ayaa sheegay in maanta la dooran doono guddiyada doorashada guddooyka labada aqal ee baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in maanta qorshaha uu yahay ineysan la dhaafin doorashada guddiyada doorashada.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay ka dooday miisaaniyada sanadkaan iyo guddiyada doorashada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles