Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Hogaamiyeyaasha Madasha Qaranka oo Lagu eedeeyey inay Wax ka bedel ku Sameeyaan Dastuurka.

$
0
0

Hoggaamiyeyaasha Madasha Qaranka ayaa lagu eedeeyay inay doonayaan inay dastuurka ka saaraan Qodobka 72aad si kuraas loogu kordhiyo Aqalka Sare.

Arinkaa ayaa la sheegay inay go’aansadeen kadib shirar badan oo ay dhawaan ku yeesheen caasimada Muqdisho.

Haatan ayaa eedo loo soo jeedinayaa Madasha Qaranka kuwaasoo ah in ay doonayaan inay burburiyaan qodobo dastuurka ka tirsan oo uu ku jiro Qodobka 72aad.

Si kastaba ha ahaatee waxaa arinkaa gaashaanka u daruuray oo beeniyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo madashaqa qaranka ka tirsan ahna madaxweynaha Koofur-galbeed.

‘Mar walba dastuurkaa na hago, mar walbo dastuurkaan u hoggaansamaynaa, shaqsiyaad ka fakaraaya kuraastii ay waayeen ayaa hadlaaya’. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidaa yiri.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayay soo shaqeyneysay Madasha Qaranka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369