Wasiirkii Hore ee Difaaca Xukuumadii C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta ka hadlay Bixitaanka Ciidamada Ithopia ee dalka Soomaaliya.
Xuseen Carab Ciise oo ah xildhibaan Soomaaliyeed gudoomiyana ka ah gudiga amaanka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa afka furtay kuna waramay in Ethiopia hadii ciidamdeeda ay Soomaaliya kala baxdo xilligaan in Shabaab ay soo noolaanayaan oo deegaanno cusub ay lawareegayaan.
“Waqtigaan kuma haboona in ay baxdo Ethioipa. Ciidankeenu awood malaha. Sababaha ay markii horaba dalka u yimaadeen ciidamada Ethiopia waa awood yaradeen walina ma’aanan xoogeysan. Dhibkii shalay nahayay waa nagu taaganyahay wali. Argagaxisadii lagama awood roonaan innaguna ciidankeennii madhisna. Ethiopia waxaan kula talinayaa in ay joogaan oo ay hubsadaan inta aan cagaheenna uga istaagi karno”, Xuseen Carab Ciise ayaa ku calaalacalay.
Hadalka wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya ayaa waxa uu daba socdaa qeyla dhaan waayahaan ka imaaneysay xubna dowlada Soomaaliya kamid ah oo iska dhaadhiciyay in Shabaab aan loo babac dhigi Karin hadiiba aan laheysan ciidamo Shisheye.
Dowlada Ethiopia horay ayeey ugu dhawaaqday in ciidamadeda ay dalka kala bexeyo, waxaana wararkaasi ay xaqiiqoobeen markii ay ka bexeen magaaladaa Xudur oo waliba iyada oo aan lagu tashan ay barqo ka dhaqaaqen taas oo sabab u noqotay in ku manaan qoys ay barakacaan iyaga oo ka baqdin qaba in Shabaabku ay gowrac farta lamariyaan.