Hay’adda UNDP ayaa maanta magaalada Garowe laba baabuur ku wareejisay taliska ciidanka Asluubta Puntland, waxaana munaasibada lagu wareejinayay gawaaridan ka qaybgalay madaxa UNDP ee Puntland Koen Toonen iyo taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar.
Labadan Gaari oo waawayn casrina ah ayaa UNDP ay ugu talagashay ciidanka Asluubta Puntland ee fulinaya mashruuca Xabsiga Qardho,waxaana mashruucan lagu magacaaba gaarida cadaaladda ee Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay.
Madaxa Xafiiska UNDP Koen Toonen oo hadal jeediyey ayaa sheegay inuu ku faraxsan wareejinta gawaaridan ,wuxuuna ka shekeeyey taageerada ay u fidiyaan ciidanka Asluubta Puntland iyo marxaladihii uu soo maray.
“Ilaa 2007-dii UNDP waxay ku hawlanayd wax ka qabashada xoojinta kartida nidaamka xabsiyada Puntland,iyadoo siinaysay tababaro joogto ah iyo talo bixinta dhamaan heerarka oo dhan, horumarinta kartida hayadeed iyo dhisida kaabayaasha muhiimka ah” ayuu yri Koen Toonen.
UNDP iyo Puntland ayuu sheegey inay isla qaateen inay UNDP maalgeliso qaybo ka mida Xabsiga Qardho ayna ka mid tahay samafalka,qalabka daawaynta,tababarada iyo gadiidka asaasiga ah.
Taliyaha ciidanka Asluubta Gen.Cali Nuur oo isna ka hadlay madasha ayaa UNDP ku amaanay taageerada ay siiso ciidanka Asluubta,wuxuuna ka mahad celiyey gawaarida maanta ay gudoonsiisay.
Labada gaari ee ay gudoomeen taliska Asluubta ayaa midi yahay Booyad ,halka ka kelene uu yahay nooca wax lagu daabulo soomaaliduna ay u taqaan Isku-rago.
|