Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Qof ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday Gaalkacyo.

$
0
0

5687Hal qof ayaa geeriyooday, lix kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii xalay magaalada Gaalkacyo ay isku rasaaseeyeen labo maleeshiyo oo hubeysan.

Labo ka mid ah dadka ku dhaawacmay is-rasaaseynta ayaa lagu soo warramayaa inay liidato xaaladdooda caafimaad, waxaana dhaawacyadooda lagula tacaalayaa isbitaalka koonfureed ee magaalada.

Taliyaha qeybta booliska ee Galmudug Cali Nuur Gadaar oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in maleeshiyaadka is-rasaaseeyay ay ka soo wada jeedaan deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in ciidanka ammaanka ee Galmudug ay wadaan baaritaanno ku saabsan dhacdada, balse waxaa jira warar sheegaya in dhacdada ay salka ku hayso aano qabiil.

Wuxuu kaloo sheegay inay xireen dhowr qof oo lala xiriirinayo abaabulidda dhacdadan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles