Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Dowlada Puntland oo Lacag qabatay.

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa qabtey lacago Shilin Somali ah oo gaarayey 190 Malyan kuwaasi oo lagu dhexqariyey gawaarida Xamuulka qaada.

Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo saxaafada maanta kula halday Garowe ayaa ka warbixiyey lacagahan lagu kala qabtey Bossaso iyo Garowe.

Cabdi Qawdhan oo ay weheliyeen xubnaha Guddiga uu madaxada u yahay ee uu dhawaan madaxweynaha Puntland u magacaabay daraasaynta iyo talo bixinta dhaqaalaha iyo sarifka Lacagaha ayaa mahad balaaran u jeediyey Ciidamada amaanka oo u xusay inay heegan ugu jiraan la socodka awaamiirta lagu mamnuucay in lacagaha laga gudbiyo gudaha Puntland.

Wasiirku waxa uu digniin u direy dadka ku howlan jabinta amarka dowlada iyo gaadiidka lagu soo qariyo lacagta oo uu sheegey inay talaabo ka qaadayaan islamarkaana la wareegayaan lacagtooda sidii horey loogu sheegey amarkii dhawaan ka soo baxay wasaarada Maaliyadda Puntland.

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Cabdi Ibraahim ayaa intaas raaciyey in ay jiri doonaan buugaag iyo sharciyo ku saabsan xadeynta dhaqalaha Puntland si wax looga qabto.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
sawirka_lacgta_kale_19

Image may be NSFW.
Clik here to view.

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles