Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nabadoon Cusub oo Bosaaso Lagu Caleema Saarey(Sawiro).

$
0
0

Nabadoon Cusub Ayaa Maanta Waxaa Lagu Caleema Saaray Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Xaflada lagu caleemo saarayay Nabadoon Mustafe Maxamed Nuur oo ah nabadoonka Beesha Meheri Ismaaciil ee Binjidxi ayaa ka dhacday hotelka Juba ee magaalada Bossaso ee xarunta Gobolka Bari.

Issimo, Waxgarad, Culimo, dhalinyaro, Aqoonyahan iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qaybgalay.

Gudoomiyaha nabadoonada Gobolka Bari CabdiQaadir Axmed Ibraahim ”Xarago” oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan nabadoon Musstafe Maxamed Nuur,kaasi oo uu sheegay in uu si rasmi ah ugu soo biiray hogaamiye dhaqameedka Puntland.

”Waxaan filayaa in uu ka shaqayn doono nabadoonka cusub nabadaynta beelaha iyo wax kasta oo dan ugu jirtoo umadda” ayuu yiri Xarago.

Nabadoon Mustafe  Maxamed Nuuur oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu si hufan u guto waajibaadka dhaqan ee loo igmaday,waxaana uu ka codsaday hogaamiye dhaqameedka Puntland in ay si hufan ula shaqeeyaan.

Wuxuu intaas ku daray in xilka dhaqan uu u qaday dhamaan umada reer Puntland, ayana waajib ku tahay in uu si daacadnimo ah u guto.

Qaar ka mid ah waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada ka soo qayb gashay xaflada ayaa Eebe uga baryay Nabadoonka cusub in uu u fududeeyo xilka loo igmaday.

11_4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

- See more at:


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles