Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay ciidamo mulateri ah oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku qul qulayay Duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubada Hoose, iyadoo ay jirto cabsi ah in dagaal inuu ka dhex bilowdo, kadib markii loo diiday in ciidamada ay galaan gudaha magaalada.
Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in ciidamadan ay dowladda u bedeshay Kismaayo, isagoo meesha ka saaray inay yihiin ciidamo dhibaato abuuraya.
Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu ku sheegay in ciidamadan ay ka tirsan yihiin Milateriga Soomaaliya, isla markaana Jubada Hoose loogu bedelay howlo shaqo.
“Ciidamadan dowladda ayaa halkaas u bedeshay, waana ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, sidaas darteed ma ahan ciidamo halkaas u tagay inay dhibaato abuuraan”ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.
Mr Kaliil ayaa sheegay in ciidamada ay mareen xuduuda Soomaaliya iyo kenya u dhaxeysa, waxaana uu tilmaamay inay ku sugan yihiin Garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Ciidamada uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa u diiday Ciidamadan inay gudaha u galaan Kismaayo, taasoo xiisad ka dhalatay, waxaana Ciidamada Raaskambooni ay dhufeysyo iyo saldhigyo ka sameysteen inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Kismaayo oo isu jira ilaa 12-KM.
Dadka ku nool Kismaayo ayaa hadal haya ciidamadan fara badan ee gaaray duleedka Kismaayo, waxaana jirta cabsi laga qabo inuu dagaal ka dhaco magaalada.