Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa galabta la Shiray wakiilo ka socdey Lix urur Siyaasadeed oo ka jira Degaanada Puntland.
Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka Maxamed Xasan Barre ayaa sheegey in shirkan ujeedkiisu yahay aqoonsiga ururada siyaasada Puntland ee buuxshey shuruudihii looga baahnaa.
”Maanta waa maalin wax ka badaleysa taariikhda Puntland oo guul wayn laga gaaray geedi socodka Dimoqraadiyaynta,waxaanuna iskugu nimid inaan markhaati ka noqono aqoonsiga ururada siyaasada ee Puntland ee buuxshay shuruudihii,xaq buuxana u yeeshay inay u tartamaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee inagu soo fool leh dhowaan” Ayuu yiri Barre.
Ururada Horseed ,Horcad ,Midnimo ,Wadajir ,Udad iyo PDP ayaa noqdey kuwa sida rasmiga ah loogu ogolaaday tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka.
”Waxaan u mahadcelinayaa urur kasta oo siyaasadeed sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay uga qaybqaateen hanaankii diiwaangelinta iyo kala saarida” ayuu raacshay hadalkiisa.
Gudoomiye Maxamed Xasan ayaa goobta kaga warbixiyey qaabkii ay shuruudaha u soo buuxiyeen ururadu laga soo bilaabo diiwaangelinta ,furashada xafiisyada iyo qabsashada shirweynayaasha.
Ugu danbeyntii ayaa lixda urur siyaasadeed ee Puntland waxa la gudoonsiiyey shahaadooyin muujinaya diiwaangelintooda rasmiga uuna ku saxiixnaa gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |