Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Mohamed Kamel Amr ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid tahay raysul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Mohamed Kamel Amr oo booqasho hal maalin ah ku joogi doona Muqdisho waxaa socdaalkiisa ku wehliya diblomaasiyiin heer sare ah oo ka socda dowladda Masar, sida ay wakaaladda wararka ee dalka Masar ee MENA u sheegtay kaaliyaha wasiirka arrrimaha dibadda Masar u qaabilsan arrimaha Afrika, Danjire Mona Omar.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay kulamo gooni gooni ah la qaataan madaxweynaha Soomaaliya, raysul wasaare ku xigeenka, wasiirka gaashaandhigga iyo afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Booqashada ayaa la sheegay inay ka dhigan tahay taageerada dowladda Masar ay u hayso dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in booqashadan ay kor u qaaddo iskaashiga u dhaxeeya labad dal iyo kordhinta taageerada Masar ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan tababaridda shaqaalaha dowladda.
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Masar uu maanta ku tagay Muqdisho ayaa la sheegay inay tahay tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo mas’uul heer wasiir ah oo ka socda dalka Masar uu ku tago caasimadda Soomaaliya muddo ka badan 20 sano.