Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Magaalada Gothenburg oo si diran loogu soo dhoweeyey raisulwasaarihii hore ee Somalia Prof. Abdiweli Mohamed Ali Gaas (Sawiro)

$
0
0
Xaflad si heer sare ah loo  agaasimey ayaa ka dhacdey aqalka ummadda (folketshus) ee  magaalada Gothenburg ee dalka Sweden,taariikhdu marka ay aheyd 8da bisha marso 2013, saacadduna aheyd 18.00 -22.00. Xafladdaa oo lagu soo dhoweynayo raisulwasaarihii hore Prof. Cabdiweli Mohamed Ali Gas, waxa  ka soo qayb galay  xafladda dadweyne aad u faro badan oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 500 oo qof oo ay  ka muuqatey qiiro wadaninimo iyo soomaalinimo. Taariikhdu horey ugama aysan dhicin isu soo bax heerkaa gaarsiisan oo ka dhaca maagaalada Gothenburg. Ummadda soomaaliyeed oo aan u kala harin ayaa si soomaalinimo iyo wadanimo ku dheehan  u soo dhoweeyey raisulwasaarihii hore Prof. Cabdiweli Mohamed Ali Gas.
Waxa goobta raisulwasaaraha lagu soo dhoweynayey hadalo soo dhoweeyn ka soo jeediyey xubno ka tirsan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqanka magaalada Gothenburg oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Cabdirahman Shiikh Muxidiin Celi, Abdullahi Mohamed Ahmed( abdullahi jowhar), Abdirisak Wasame Garweeyne, Xasan Muuse qoslaaye, Bile Hashi, Rukiye Mohamud Xasan, Ubah , Naduuja iyo Leyla oo dhammaan xaqiijiyey in dawladii badbaado qaran uu Prof. Cabdiweli Mohamed Ali Gas  hogaaminayey ay  dalka soomaliya u horseeday isbedelka cusub oo ay maanta  ummadda soomaliyeed  bidhaansaneeyso. Isbedelkaa oo ay ka mid yihiin ansixintii dastuurka, xuliddii xildhibaanada barlamaanka iyo doorashadii dalka gudihiisa ka dhacdey oo lagu soo doortey gudoomiyaha barlamaanka Prof. Jawaari iyo madaxweynaha dawladda federaalka Dr Xasan Shiikh Mohamud.
Waxa  kale oo halkaa sugaan murti leh ka soo jeediyey abwaano ay ka mid ahaayeen abwaan khaliif, abwaan hurfe Ali , abwaan xuseen Goodle iyo abwaan casha cuud oo  dhammaan  fikirkooda ku cabirey sugaan tilmaameeysa waxqabadkii ballaarnaa uu raisulwasaarihii hore ee soomaliya ,Prof.Cabdiweli Mohamed Ali Gas dalk soomaaliya ka hirgeliyey.
Ugu dambeyntii waxa halka khudbad aad u qiimo badan oo  dhinacyo badan taabaneysa ka soo jeediyey Prof.Abdiweli Mohamed Ali Gas oo dadweynihii ka soo qaybgalay xusuusiyey waxay soomaliya aheyd  beri hore isagoo barbardhigayo halka ay  maanta joogto. Wuxuu tilmaamey iney soomaliya aheyd dawlad dimuqaraati ah oo ka tilmaaneeyd  qaaradda Afrika. Muwaadinka soomaliyeedna wuxuu lahaa xuquuq faro badan oo aan lagu xadgudbi karin.  sharciga ayaa qofka ka sareeyey had iyo jeer. Dawladii kacaanka waxay gacan weyn ka geysatay xorreynta wadamo badan  oo ku hoos jirey gumeysiga. Raisulwasaaraha waxa kale uu aad u faahfaahiyey tubtii nabadda  iyo halgankii dawladii badbaado qaran u gashay sidii soomaaliya looga dhalin lahaa nabad waarta.
Waxa halkaa heeso wadani ah ka qaadayey kooxda reer Gothenburg. Ugu dambeeynii waxay xafladda ku soo gabagaboowdey jawi aad u heer sareeya.
Inta waxaa  dheer inJaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada Gothenburg casho sharaf u sameeysay raisulwasarihii hore iyo in raisulwasaaraha uu cashar ka bixiyey jamacadda Gotheburg , qaybta culuumta siyaasadda maalintii jimcaha aheyd, saacaddu marka ay aheyd 12.00-13.00. kulankaa waxa ka soo qaybgalay ardey aad u tiro  badan  ee dhigata jaamacadda iyo macalimiinta jaamacadda. raisulwasaarahii hore wuxuu ardeyda uga waramey arimo badan oo ku saabsan nabadeeynta soomaaliya.
Booqashadii raisulwasaarhii hore prof.Cabdiweli Mohamed Ali Gas ee uu ku joogay magaalada Gothenburg waxay ku soo dhamaateyguul iyo raynrayn.
DSC_1042 DSC_1034 DSC_0997 DSC_0988 DSC_0979 DSC_0885 DSC_0831 DSC_0819 DSC_0779 DSC_0310 DSC_0223 DSC_0141 DSC_0125 DSC_0122 DSC_0115 DSC_0090 DSC_0086 DSC_0084Prof.gaas

Halkaan ka daawo Sawiro Badan

Xafiiska Warqabadka Raadreeb ee

Gothenburg, Sweden


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles