Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Faahfaahin la Xariirta Booqashadii Ra’iisulwasaare Saacid ee Magaalada Garoowe.

$
0
0
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo Wafdi Ballaaran oo uu Hogaaminayo ayaa Maanta Soo Gaarey Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlada Puntland.Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyey wafdiga Ra’iisulwasaaraha.

Wasiiro ,Xildhibaano,Dhalinyaro ,Haween iyo Dadweyne Badan ayaa iyaguna ka qeyb qaatey Soo Dhoweynta Wafdiga Ra’iisulwasaaraha.
Boqolaal Dadweyne ayaa Garoonka Diyaaradaha kaga Hortagay Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ,Kuwaas oo watay Boorar ay ku qoran yihiin Waxaan Taageersanahay Nidaamka Federaalka.
Dhinaca aqalka Madaxtoyada Garowe ayaa loo soo galbiyey oo uu kula kulmey madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole.
ka dib qado sharaf ka dhacdey Madaxtoyada Garowe ayay saxaafada wadajir ula hadleen madaxda DF Somalia iyo Puntland,waxana uu ka sheekeeyey madaxweyne Farole kaalintii ay Puntland ka soo qaadatay hirgelintii geedi socodka RoadMapka oo lagu dhisay xukuumadda haatan jirta.
Puntland inay marweliba u taagantahay midnimada umadda Soomliyeed ayuu ku ceshay Farole oo sheegey inay wadahadal la gali doonaan DF Somalia.
Dhankiisa ayuu ka mahadceliyey qaabka loo soo dhoweeyey raysal waasaraha Somalia oo sheegey inuu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Puntland.
Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyey inay guul ku dhamaato wadahadalka ay la galayaan Puntland oo uu uga mahadceliyey siday uga qayb qaadato nabad ku soo dabaalida Somalia.
Saacid Faarax Shirdoon ayaa markii ugu horeysey maanta soo gaarey deeganada Puntland tan iyo markii uu xafiiska yimid October 2012 ,waxana lagu wadaa maalmaha soo socda inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda iyo masuuliyiinta dowladda Puntland.

20_1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369