Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray wado Loogu Magac daray Sh.C/qaadir Nuur Faarax(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta xariga ka jaray wado Loogu Magac daray Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ah Wadadii ugu horeysey oo laami la saaro gudaha caasimada Puntland ee Garowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka arimaha gudaha Cabdilaahi Axmed Jaamac ”Ilkajiir”,gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ,duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor iyo masuuliyiin kale oo ka socdey golayaasha dowladda ayaa ka qaybgalay dhankooda munaasabadan.

Duqa Garowe Cabdi Nuur Cilmi ayaa ka warbixiyey dhismaha wadadan oo bilihii la soo dhaafay socdey ,waxana uu sheegey in dhaqaale dhan $150 kun uu ka baxay wadadan ayna iska kaashadeen Qaramada Midoobey ,Dowlada dhexe ,maamulka degmada Garowe iyo dadweynaha magaalada.

Qorshaha sanadka 2013 ayuu ku sheegey duqa degmadu inuu yahay wado laami ah in la saaro sidoo kale tan Islaan Maxamed oo Barxada Garowe ku xirta wadada 30-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadceliyey intii gacan ka geysatey hirgelinta wadadan oo uu sheegey inay wax badan ku soo kordhin doonto bilicda magaala madaxda Puntland.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku lugeeyey wadadan kadib furitaankeedi ,waxana uu dhagax dhigey suuq cusub oo laga dhex dhisayo suuqa weyn ee Injida.

12_3

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles