Munaasabado kala duwan ayaa waxa ay ka dhacayaan gobolo badan oo dalka Soomaaliya ah sida ay sheegayaan ururada haweenka ee ka jira goboladaas.
Magaalooyin badan oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan laga hadli karin maalinta haweenka ayaa markii ugu horeysay sanadkan u suurtogashay in ay haweenka fikirkooda ku soo bandhigaan maadaama ay deegaanadaas ka baxday gacanta ururka Alshabaab ee hore u maamuli jiray.
Magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Baydhabo,Beledweyne,Jowhar iyo Marka ayaa ka mid ah deegaanada laga xusayo maanta maalinta haweenka adduunka.
Maalinta 8 Marso oo ah maalinta haweenka aduunka ayaa sanad kasta laga xusaa caalamka oo dhan, iyadoo haweenks Soomaaliyeed ay maalintan kusoo dhaweyaan munaasabado iyo dabaaldegyo ay kusoo bandhiigaan kaalinta ay haweenku kaga jiraan horumarinta bulshada kana soo saaraan halkudhigyo lagu weyneyneyo xuquuqda haweenkeena Soomaaliyeed.
Munaasabada maalinta haweenka adduunka ayaa waxa ay sanadkan ku soo beegantay iyadoo dowlada Soomaaliyeed ay wasiiro ka yihiin labo haween ah oo mid ka mid ahna ay tahay R/wasaare ku xigeen.