Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Somaliland, Puntland iyo Galmudug oo siyaabo Kala duwan uga hadlay qaadida xayiraada hubka Ee Soomaaliya.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
hub
Qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka Somalia sida Somaliland, Puntland iyo Galmudug ayaa siyaabo kala Duwan uga hadlay talaabadii uu golaha amaanka ee QM uga qafiifiyey shalay xayiraadii hubka ee saarneyd 22-kii sano ee u dambeysay.

Wasiir ku xigeen warfaafinta Somaliland oo la hadlayey idaacada BBC-da ayaa sheegay in talabadan ay Khatar ku tahay xasiloonida Somaliland ka jirtay 22-kii sano ee u dambeysay isagoo xusay iney ka soo horjeedaan in la hubeeyo dhinac ka mid ah dhinacyada Soomaalida.

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland ayaa isna waxaa uu sheegay in dowlada Somalia aysan laheyn ciidan Qaran oo lagu aamini karo hubkaasi, ciidamada hadda ka tirsana ay u badan yihiin ciidamo beeleed laga qoro oo kaliya magaalada Muqdisho iyo gobolada koonfurta, isagoo xusay iney ka cabsi qabaan in hubkaasi uu gacanta u galo beel gaar ah.

Hase ahaatee hadal kuwaaska duwan waxaa sheegay wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xasan Baasto oo sheegay in maamulkiisu uu soo dhoweynayo in xayiraada hubka laga qaado Somalia isagoo xusay in arintaas aysan wax ka tareyso soo celinta cududa ciidan ee dowlada Somalia iyo ciribtirka Xarakada Al-Shabaab.

Soomaaliya waxa la saaray xayiraaada hubka sanadkii 1992-kii, markaasi oo hoggaamiyayaashii dagaalka ay ku ku dagaallamayeen gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, dagaalada sokeeyana ay daba dheeraadeen, iyadoo dowladda cusub ee Soomaaliya ay dadaal ugu jirtay sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa si ay ula dagaallanto kooxaha ka horjeeda, ciidankeedana u hubeyso.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles