Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa isku raacay in muddo hal sano ah laga qaado cunoqabataynta hubka dalka Soomaaliya.
Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka kooban 15 dal ayaa u codeeyey qaraar qabyo ahaa oo ay soo diyaarisey dalka Britain, waxaana Golaha Amaanku isku raacey in qaraarkaas uu yahay mid shaqeynaya muddo sanad ah.
Qaraarka cusub ayaa dhigaya in muddo sanad ah Soomaaliya laga qaado xanibaadda hubka ee saarneyd tan iyo sanadkii 1992-dii, waxaana qaraarkani dhigayaa in hubka culus sida diyaardaha iy gantaalaha aysan ku jirin, waxaana hubka Soomaaliya la socon doona Qaramada Mdoobey koox ay u magacaabtey in aan lagu xadgudbin, la gadi karin lana wareejin karin.
Golaha Amaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka dooday in loo kordhiyo waqtiga ciidamada AMISOM muddo hal sano ah, waxaana uu ka dhacayaa mandate-ku 24 Feberaayo 2014.