Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

RW oo Hor Yimid Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Jubooyinka ee Kismaayo ka Socda.

$
0
0

R.W SaacidRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si kulul uga soo hor jeestay shirweynaha Maamul u sameynta Jubooyinka ee shalay ka furmay magaalada Kismaayo, isagoo cadeeyay in shirka ka furmay Kismaayo uu wado qaldan ku socdo.

Wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu Ra’iisul Wasaaruhu si cad u sheegay in shirka ka furmay Kismaayo ay ka maqan yihiin saddex arrimood oo ay ugu weyn tahay hogaanka dowladda, isagoo tilmaamay in dowladda ay wax isugu yeeri karto, dadkana doorkooda uu cad yahay, isla markaana doorasho wax walba ku imaan karaan.

“Dowladda ayaa wax isugu yeeri karta, dadka doorkooda waa cad yahay, doorasho ku cad yahay, dowladda hogaan bey leedahay, intaas oo dhan shirka waa ka maqan yihiin, dadka waa u hambalyeynayaa waxa quruxda badan ee ay qabsadeen, Jubaland hadii dadka jecel yihiin Federal System ayay ku dhamaaneysa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda aanay u dulqaadan doonin waxa uu ugu yeeri marin darada, isla markaana dowladda aysan ogolon, isagoo af cad ku yiri dadku dookrooda haku ekaado.

“Laakiin uma dulqaadan doono marin darada mana ogolin af cad baan ku leenahay, dadka doorkooda haku ekaado, isku dhex darka iyo xaga ka bilaabaya iyo wixii oo dhan hala is dhex geliyo, waxaan si cad u sheegeyna inaan taageersaneyn, dowladda kama muuqato hogaankeedaa”ayuu si kulul u yiri Ra’iisul wasaaraha.

Mar la weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda ka gaabisa siyaasada iyo arrimaha gobolada ayuu si kulul ugu jawaabay in aanay dowladda wax gaabis ah sameyn, isla markaana dhowr wafdi ay u direen Kismaayo oo isugu jiray Wasiiro iyo Saraakiil, isla markaana casuumaad ay si gaar ah ugu direen Mas’uuliyiinta Kismaayo ku sugan.

“Aniga kula hadlaya waxaa diray 7-wasiir oo uu ku jiro Taliyaha ciidamada xooga dalka, waxaan casuumaad qaas ah oo aan ku casuunay cid walba gaar ahaa ninka odayga ee meesha jooga inay halkan nagu yimaadaan, ama aan aniga xaga tago wax jawaab ah nama soo siin, anagana nalaguma dhiira gelin inaan xaga tagno, mar kale ayaa wafdi u dirnay isku dhacii yaraa ee dadka ku dhintay, si aan u muujino mowifka cad ee dowladda wafdi ballaaran oo saddex wasiir ayaa dirnay, danta waxay aheyd nabada haloo daayo, dadka hala wada jiro, taariikhdii adkeyd dib yaa loo qod qodin”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Saacid.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in tiro labo jeer ay diyaariyeen Hotelo si ay u dejiyaan Mas’uuliyiinta Kismaayo, hase ahaatee aanay waxba ka soo bixin, isla markaana aan jawaab dambe ka helay dhinaca Kismaayo ee ay ku martiqaadeen inay Muqdisho yimaadaan.

“Waxaa meesha yaala waxay ku tuseysaa in aan ka gaabin, guud ahaan Xukuumada wali waa u taaganahay, in Jubaland sida la jecel yahay, dadkeeda jecel yahay ku dambeyso, yaan la wal walin, yaan la talo xumaan, dagaal dambe soomaali alle haka koriyee, dowladda ma damqineyso kama daahineyso, danteeduna waa danta dalka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore ku qanacsaneyn habka wax loo waday ee shirweynaha Maamul u sameynta Jubooyinka, waxaana jiray dadaalo ay ku bixineyso inay hogaanka shirka uu noqdo mid dowladda looga dambeeyo, hase ahaatee waxaa muuqatay inay marti ka aheyd wax walba oo ka socday Kismaayo abaabulka ay wadeen xubnaha Kismaayo ku sugan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles