Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Xadgudubyo la sheegay inay ka dhaceen dalka Afganistan.

$
0
0

130224154751_afghanistan_forces_304x171_e_nocreditxadgudubyo ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha dalka afganistan kuwaas la sheegay inay geysteen ciidamada dalkaasi ku suga.

Baaritaan la sameysay ayaa waxa lagu ogaaday caddeymo muujinaya xadgudubyo ay sameeyaan booliska magaalada Sangin ee gobolka Helmand ee dalka Afghanistan.

Baaritaanada ayaa waxa lagu ogaaday in boolisku ay geysanayaan dil, xadgudub loo geysto caruurta, afduub, musuqmaasuq, iy isticmaalka maandooriyaha.

Booliiska Afganistan ayaa inta badan si ka madax bannaan ciidamada caalamiga ah uga shaqeynayey gobolkaasi.

Dowladda Afganistan ayaa sheegaysa in ciidamadeeda iyo booliskuba aya diyaar u yihiin in ay si buuxada ula wareegaan ammaanka.

Axaddii afhayeen u hadlay madaxweynaha Afganistan waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanka ee gaarka ah laga soo ceyrinayo gobolka Wardak ka dib markii ay soo baxeen eedeymo ah in ciidamada afghanistan ee ka hoos shaqeynayey lala xiriiriyay dad la waayey iyo jir dil.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles