Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wafdigii Dowlada Federaalka ka socday oo Kismaayo Gaarey.

$
0
0

C.kariin-Xuseen-GuuleedWafdigii ka socday Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Gaarey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Wafdan ayaa Waxa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, xilli labo maalmood ka hor uu ka dhacay magaalada iska hor imaad u dhaxeeyo Ciidamo ka wada tirsan Maamulka KMG ah ee Kismaayo.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Saraakiil kale.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa booqashadooda ay noqon doontaa mid hal maalin, iyadoo gelinka dambe ee maanta ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxay kulamo kula qaadanayaan garoonka diyaaradaha Kismaayo Mas’uuliyiinta Maamulka KMG ah ee Kismaayo, waxgaradka iyo odayaasha, iyadoo isku soo qaadi doona xiisada ka taagan magaalada.

Inkastoo aanay jirin wax faah faahin ah oo dowladda ka bixiso booqashada wasiiradan ka tirsan Xukuumada ayaa hadana waxay u muuqataa in Xukuumadu ay isku dayeyso inay xaliso xiisada Kismaayo iyo xiriirka mugdiga galay.

Booqashadan ayaa waxay imaaneysa iyadoo maalin ka hor iska hor imaad ku dhex maray magaalada Ciidamo kala taabacsanaa Raaskambooni iyo Ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale Sabtidii uu dib u dhac ku yimdi shirkii maamul u sameynta oo ay dowladdu ka baaqsatay.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles