Dadweyne aad u tiro Badan ayaa maanta isugu baxay waddooyinka magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kuwaas oo dhigayay dibadbax looga soo horjeedo maleeshiyada al-Shabaab & dilkii ay u gaysteen Shiikh CabdulQadir Nuur Faarax 15 bishan.
Dadka ka qeyb qaadanayey banaanbaxan ayaa ka koobnaa qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasoo qeyb kastaa watey halkudhag gaara oo lagu canbaareynayo Ururka A-lshabaab.
Ardeyda Iskuulada , Macaahida ,Jaamacadaha ,Duubabka Dhaqanka ,Ururada Haweenk a iyo Dhalinyrada ayaa si weyn uga muuqdey madasha la iskugu soo baxay ,waxana kaalin wayn ka qaatey isku soo baxa n Culimaa’udiinka kal a duwan.
Madaxda ugu sareysa Puntland uu horkacayey Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole iyo ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa dhankooda ka q aybgalay iyo masuuliyiin ka so cotey golayaasha Dowladda Puntland.
Shu yuukhda iyo Nabadoona ayaa k hudbado k a jeedshey madasha kuwaa s i oo dadka ku guubaa biyey inay si wadajir ah hal meel uga soo wada jeestaan dagaalka kooxda Al-shabaab oo bartilmaameedsata indheerka garadka bulshada.
Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa dhankiisa sheegey in maanta aan la iskugu soo b ixin dabaaldeg iyo xus toona balse looga arinsanayo banaanbaxan dagaal ka dhan kooxda Al-shabaab.
”Isuguma aynu iman inaynu dabaaldegno ,isuguma aynu iman ina an xus sameyno ,waxaan iskugu ni mid inaan isku raacno dhamaanteen dagaal aynu ku qaado Al-shabaab” Ayuu yiri madaxweynuhu.
Dr.Farole waxa uu madasha ka sheegey in 50 qof dad gaaraya oo haween ku jiraan ciidamada amaan ku gacanta ku hayaan kuwaasi oo lala xiriirinayo falal amni darro ,waxana uu raacshay in dhowaan maxkamad ay horkeeni doonaan .
Markii khudbadah u dhamaadeen ayaa kumanaankan dadweynaha ah oo careysan waxay socod ku mareen wadooyinka waa weyn ee magaalada Gar owe ,waxana ay isla jiibinayeen hadalo ka dhan ah Al-shabaab oo la sheegey inay ka danbeysey dil ka Shiikh Cabdiqaadir.