Image may be NSFW.
Clik here to view.Barcelona ayaa 2-1 ku khuusisay kooxda Sevilla oo marti ugu aheyd Camp Nou iyagoo 15 dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hogaanka horyaalka Premier League.
Barcelona ayaa qeybtii hore ku bilaabatay fursado fiican iyadoo Iniesta, David Villa iyo Lionel Messi ay intaba u soo dhawaadeen inay shabaqa ka soo taabtaan kooxda Sevilla.
Laakiin kooxda martida ku aheyd Camp Nou ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta dhamaadkii qeybtii hore daqiiqadii 42aad Botía ayaana madax ku dhaliyay kubad ku soo bilaabatay markii hore laad xor ah oo uu soo tuuray Rakitic.
Waxaana qeybtii hore lagu kala maray 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Sevilla, laakiin 7 daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ayay kooxda Blaugrana heshay goolkii barbaraha.
Karoos uu keenay daafaca reer Brazil Dani Alves ayaa waxaa madaxa la helay David Villa oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.
David Vill ayaa goolkiisii 30aad u dhaliyay Barcelona, goolkiisii ugu horeysay ee Barcelona ayaa sidoo kale ahaa mid madax uu ku dhaliyay waxaana caawiye ka ahaa isla Daniel Alves.
60 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta waxaa Barcelona hogaanka u dhiibay xiddiga sannadka adduunka Lionel Messi oo ka faa’ideystay baas uu ka helay Cristain Tello, waana kulankii 15aad ee isku xiga ee La Liga oo uu shabaqa soo taabto Messi isagoo sii dheereysanaya rikoorkiisaan.
Lionel Messi ayaana shabaqa ka soo taabtay 18 ka mid ah 19ka kooxood ee uu ka horimaanayo xilli ciyaareedkan La Liga, kaliya Celta Vigo ayaa u hartay inuu gool ka dhaliyo.
Messi ayaana labo jeer kale u soo dhawaaday inuu goolal kale ku darsado halka kubada uu Navas u dhigay Rakitic uu banaanka marsiiyay, islamarkaana Valdes uu kubad ka bixi Manu.
Rakitic ayaa isna kubad uu u dhex bixiyay Negredo waxa uu kooxdiisa ka qasaariyay fursad fantastik ah, iyadoo ay u dhineyd kaliya inuu qaabilo Valdes ayuu kubada dusha sarre mariyay.
Blaugrana ayaana ku badisay 2-1 iyagoo guushaan ay ka saacideysa inay hogaanka ku qabato 68 dhibcood, waxaana ay 15 dhibcood ka sareeyaan Atletico Madrid oo kulan uu u harsan yahay marka Barca loo fiiriyo.
Barcelona ayaana haatan isku diyaarin doonta kulanka lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey ee ay talaadada la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid.