Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Aqalka Congresska Maraykanka oo La Weeraray.

$
0
0

Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa   La Weeraray.

Rasaas ayaa laga maqlay halka ay dadka martida ah ka fariistaan xarunta Maraykanka ee US Capitol magaalada Washington waxaana lagu amray shaqaalaha in aysan dibada iman.

Sarkaal u hadlay Aqalka Congresska ayaa sheegay in ruuxii rasaasta riday gacanta lagu dhigey balse askari ka mid ah ciidamada ilaalada uu dhaawacmay.

Xubnaha Congresska dalka Maraykanka ayaa fasax ku maqan hase yeeshee warqad email ah oo loo soo direy ayaa digniin lagu siiyay shaqaalaha aqalkaas.

Dadka jooga banaanka aqalka ayaa lagu amray inaysan gudaha u soo galin iyadoo aysan jirin cid ka  bixi karta xarunta.

Marka la doonayo in la galo aqalka US Capitol ama dhismayaasha ku dhow dhow ayaa dadka waxa ay marayaan baaritaan adag.

Meel aan ka fogeyn aqalka Congresska ayaa waxaa ku yaal Aqalka Cad ee dalka Maraykanka loogaga taliyo waxaana ka soconaya xaflad uu dadka kula hadlayo Madaxweyne Barack Obama.

CONGRESKA-2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles