Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Russia(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee waddanka Xiriirka Russia wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Mr Sergey Kuznetsov.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso Danjire Kuznetsov, isla markaana Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

“Dowladda Soomaaliya way soo dhoweyneysaa tallaabadan ay Russia dib ugu soo nooleyneyso xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaana filayaa inaan iska kaashan doono dhinacyada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta, waxbarashada, dhaqanka iyo in xukuummada Moscow ay gacan ka geysato dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Sergey Kuznetsov ayaa dhankiisa sheegay inuu si weyn u daneynayo xoojinta xiriirka labada dal, shirkadaha ganacsiga ee Russia-na ay diyaar u yihiin inay maalgashadaan kana qeyb qaataan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa uu danjiraha sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka dhanka siyaasadda, amniga iyo xasiloonida ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.
Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu danjiraha ka codsadey inuu salaam diiran ka gaarsiiyo Madaxweynaha Xiriirka Russia, Vladimir Putin.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka haa Wasiir Ku- Xigeenka Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Cali Kediye, Wasiirk Ku-Xigeenka Gaashaandhigga, iyo mas’uuliyiin kale.
———————–DHAMMAAD———————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IMG 7322
IMG 7327
IMG 7341
IMG 7347
IMG 7367
IMG 7382
IMG 7392
IB0A0714

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles