Kuuriyada Waqooyi ayaa riddey gantaal kale oo riddo dheer, maalmo uun ka dib markii Maryekanku uu ku soo rogey cuna qabatayn.
Madaxa ciidamada wada jirka ah ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in gantaaalka uu jaray masaafo gaareysa illaa iyo 800 oo KM, ka hor inta uusan ku bur burin badda bari ee Kuuriyada Waqooyi, Jimcihii.
Kuuriyada Koonfueed, ayaa sheegtay in ay xaaladda indhaha ku heyso.
Madaxweyne Obama, ayaa shalay cuna qabatayn cusub ku soo rogay Kuuriyada Waqooyi, kadib markii ay Pyongyang tijaabisay gantaallo iyo hub Nukliyer ah.