Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalo xoogan saacadihii la soo dhaafay ka socday deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo labo maalmood ka hor doonyo ku tagay xeebta Garacad.
Dagaalkii maanta ayaa ka dhacay Togga Suuj oo ah deegaan godod leh oo ku yaalla duleedka deegaanka Garmaal oo ka tirsan Gobolka Nugaal, waxaana dagaalka uu ka dambeeyay markii ciidamada Puntland ay weerareen dagaalyahanada gaaray halkaas.
Waxaa aad u adag in la helo warar rasmi ah iyo kuwa madax banaan oo ku aadan dagaalada, inkastoo ay yar tahay in la helo isgaarsiinta deegaankaas oo ah kuwo qaarkood go’an, hase yeeshee deegaano u dhow dhow halka dagaalada ka socdaan ayaa laga soo sheegayaa in laga barakacayo, maadaama laga cabsi qabo in dagaalada ku soo fido.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ku gacan sareeyeen, isla markaana ay yareyd khasaaraha dhankooda ka soo gaaray, isagoo carabka ku dhiftay inay cagta mariyeen kooxaha argagixiso sida uu hadalka u dhigay.
Halkan ka dhegayso Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dagaalyahanada hubeysan inay isu soo dhiibaan Maamulka Puntland, isagoo tilmaamay in hadii ay dagaal ku qabtaan aan wax arxan ah loo sameyn doonin, balse hadii ay isa soo dhiibaan si wanaagsan loola dhaqmi doono.
War goor dhow Al-Shabaab ka soo saartay dhaq dhaqaaqyada ka socda deegaano ka tirsan Puntland ayay ku sheegtay in dagaalyahanadooda ay isku fidinayaan deegaano ka tirsan Puntland, isla markaana boqolaal ka tirsan dagaalyahanadooda oo doonyo dheereeya wata ay gaareen deegaano ka tirsan Mudug iyo Nugaal.
Qoraalo lagu baahiyay baraha Internet-ka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalo culus oo u dhaxeeya dagaalyahanadooda iyo Ciidamada Puntland uu ka socdo deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal, isla markaana ay wadaan howl gallo ka dhan ah Maamulka Puntland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiil ka soo jeeda deegaanada Puntland ay hogaaminayaan dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee doonyaha ku gaaray deegaanada xeebaha.
Dhinaca kale xiisad ayaa ka taagan deegaano ku dhow dhow Bandar-Bayla ee Gobolka Bari, halkaasoo xalay ku hoydeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la soo sheegayaa in ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland ay ku dhow yihiin deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Lama oga khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay deegaanka Suuj oo ka tirsan Gobolka Nugaal, waxaana xiisado iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano ka tirsan Gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari oo dhowaan soo gaareen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doonyo kaga soo degay xeebaha.