Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay gaarayay deegaano dhaca xeebaha badweynta Hindiya ee Puntland, iyadoo dagaalyahanada lagu sheegay inay gaarayaan boqolaal, kuwaasoo aad u hubeysan.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahanadii xalay gaaray deegaan xeebeedka Garacad ayaa isaga huleelay, kuwaasoo dhinaca dhulka uga baxay deegaankaas, waxaana ay gaareen deegaanka Kulub.
Wararka ayaa sheegaya in labo doonyood ay maanta duhurkii gaareen deegaanka Garacad, waxaana labadan doonyood ka soo degay dagaalyahano hubeysan iyo hubkooda.
Doonyahan soo gaaray xeebta Garacad ayaa la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin doonyihii shalay gelinkii dambe gaaray deegaankaas, kuwaasoo ay la socdeen dagaalyahano fara badan, inkastoo saakay aroortii ka ruuqaansaday Garacad.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalyahano kale oo doomo ku hubeysan ay gaareen deegaan lagu magacaabo Garmaale oo hoos taga degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
Dagaalyahanadan la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa ku sii qul qulaya deegaanada xeebta, waxaana ujeedkooda yahay inay u gudbaan dhanka Buuraha Galgala.
Goob joogayaal ku sugan xeebaha Nugaal ayaa sheegaya in dagaalyahanadan oo ay ku jiraan kuwa caddaan ah ay u sii ruuqaansadeen dhinaca waqooyiga
Dadka deegaanada ayaa sheegaya inay arkayeen dagaalyahanada oo soo galaya deegaanadooda, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo dadka u heysteen, waxaana ay u sheegayeen dadweynaha inay u socdaan deegaano kale oo ay is dejiyaan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ay dagaalyahanadooda ka bilaabeen xeebaha deegaanada Puntland.
Dagaalyahanada Shabaab ayaa doomo kaga soo baxay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug iyo deegaanka Ceel-huur, waxaana deegaanada dhaca koofurta Mudug maalmihii u dambeeyay ay ahaayeen kuwo isgaarsiintu ka go’neyd.
Xaalad cabsi ah ayaa soo wajahday kaluumeysatada ka jilaabata xeebaha Puntland, markii ay soo shaac baxday in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo wata doomo dheereeya ay ka soo degeen xeebaha Garacad iyo deegaanka Garmaale.