Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayey oo Booqasho ku tegey Deegaanka Buuro-wadal(Sawiro).

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa maanta 14-March-2016 waxay kormeer shaqo ku tageen deegaanka Buuro-wadal.

Waftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenkiisa labaad, Xildhibaano, Wasiirro, Isimo iy saraakiil ciidan, waxaanay deegaanka Buuro-wadal u tageen soo afjaridda khilaafkii ka dhashay deegaanka bixin iyo adkaynta nabad gelyada Deegaankaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka Puntland meelkasta oo ay joogaan ay adkaysnaan midnimadooda iyo  nabad gelyadooda, waxaana uu xusay in ay jiraan shaqsiyaad iyo maamulo kale oo neceb jiritaanka Puntland isla markaana loo baahan yahay in shacabka Puntland ay ku baraarug-sanaadaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  ayaa sheegay in ilaalinta nabad-gelyada Puntland ay tahay Muqaddas,  isla markaana aan laga oggolaan doonin cidna  in ay ku kacdo  waxyaabo khalkhal gelinaya nabad-gelyada iyo xasiloonida Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sheegay in khilaafkii ka-dhashay  deegaanka bixin aanu ahayn mid loo baahnaa isla markaana ay dawladdu hore go’aan uga qaadatay xallintiisa, maantana  ay u yimaadeen  Buuro-wadal sidii ay dadka deegaanku ay  dawladda ugala shaqayn lahaayeen adkaynta nabad-gelyada.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Ugaas Cabdulaahi Ciise oo kamid ah isimadii ka qayb galay kulankii dhexmaray dawladda iyo dadka deegaanka Buuro-wadal ayaa soo dhoweeyey go’aanka dawladda ee soo-afjaridda khilaafaadka iyo  adkaynta nabad gelyada waxaanay ballan-qaadeen in ay dawladda ku garab istaagi doonaan tallaabo walba oo dhinaca horumarka, adkaynta nabad-gelyada iyo ilaalinta midnimada Puntland loo qaadayo.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2441
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2445
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2456
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2459
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2469
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2473
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2494
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2500
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2447
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2452
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2461
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2466
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2478
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_2487


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369