Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Donald Trump oo lumiyay kalsoonida labo gobol oo ka tirsan Mareykanka.

Musharaxa ugu cad cad Tartanka Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa aad ugu guuldareystay doorashada is reeb reeb xisbigaas ee Gobolada Wyoming iyo Washington DC.

Ted Cruz oo ah ninka sida weyn ee uu tartanka kala dhaxeeyo Mr Trump ayaa ku guuleystay 66 cod Gobolka Wyoming, halka Marco Rubio uu isna ku guuleystay Gobolka Washington DC.

Guuldarada Donald Trump ayaa timid, markii uu hakiyay isu soo bax siyaasadeed uu ku qaban lahaa magaalada Chigaco sababo la xiriira isku dhac dhex maray taageerayaashiisa iyo dad ka soo horjeeday oo ku eedeeyay cunsurnimo.

Dhinaca kale Madaxweyne Obama ayaa ugu baaqay dhamaan musharaxiinta inay ka fogaadaan hadalada kicinaya shacabka, isla markaana xambaarsan dhiilada.

Si kastaba ha ahaatee Xisbiga Jamhuuriga ayaa la filayaa in dhowaan uu ka soo baxo ninkii u tartami lahaa Jagada Madaxweynaha Mareykanka bisha November ee sanadkan.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
160313033345_trump_mano_discurso_624x351_ap


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles