Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Fariin Iskutashi ah u diray Shacabka dal iyo dibadba(Sawiro+Video).

$
0
0

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay iney shacabka reer Puntland dal iyo dibadba awoodaan iney Isku tashigooda uga qeybqaataan horumarka Puntland.

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo hadal ka jeediyey qalabkii dhismaha wadada ceeldaahir -ceerigaabo ayaa sheegay in qalabka lagu gaday Iskutashiga shacabka ee ay horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

“” Qalabkan waa Puntland dhaqaalaheedii weeye ,shacab iyo dowladba .wadada anaga dhisaneyna ,waxaana laga doonayaa bulshadu iney ka qeybqaadato dhismaha wadada””ayuu yiri

Waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo shacabka Puntland dal iyo dibadba iney gacanta furaan isla mar ahaantaana ay ka dowlad ahaan diyaar u yihiin ka qeybqaadashada horumarka Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey iney sidii loogu talagalay haddii Eebo idmo ku dhamaaneyso wadada dhismaheeda .


vlcsnap-error096 vlcsnap-error097 vlcsnap-error399 vlcsnap-error436 vlcsnap-error656 vlcsnap-error667 vlcsnap-error344 vlcsnap-error365 vlcsnap-error559 vlcsnap-error619 vlcsnap-error673 Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles