Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxwaynaha Puntland oo Habeenimadii xalay kulan aad baalaran loogu qabtay Magaaladda Minneapolis(Sawiro+Video).

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ujooga Waddanka Maraykanka ayaa waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee woqooyiga Waddanka Maraykanka, halkaas oo ay ku dhaqantahay jaaliyadda ugu badan ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka maraykanka.

Soodhoweynta Madaxweynaha ayaa noqotay abid soodhoweyntii ugu ballaarnayd ee  loo sameeyey masuul soomaaliyeedm waxaana kasoo qayb galay soo dhoweynta Madaxweynaha dad kor u dhaafaya ilaa 10,000(taban kun oo qof).

ku dhowaad shan kun oo qof oo kale oo doonayey in ay kasoo qayb galaan munaasabadda soodhoweynta Madaxweyna ayaa waxaa qaadi waayey hoolashii loogu talo galay soodhoweynta Madaxweynaha, waxaanay isugu jireen  dadka soo dhoweeyey Madaxweynaha dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka jira waddanka Maraykanka oo ay  hormuud u ahayd Jaaliyadda Puntland.

Taageerada iyo farxadda ka muuqata dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka maraykan ayaa muujinays sida ay ummadda Soomaaliyeed uga soo horjeedan halbeegga awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ay dawladda federaalka Soomaaliyeed markale go’aan ku qaadatay in dalka dib loogu celiyo halka Dawladda Puntland iyo shacabkeeduna ay si mideysan  uga soo horjeesteen go’aankaasi, maadaama uu yahay mid dib u dhac weyn ku keenaya qarranimada Soomaliya.

“Wallaahi haddii aan ogahay in wax dan ahi ugu jirto ummadda Soomaaliyeed nidaamka 4.5 aniga ayaa qaadan lahaa, laakiin waxaan ogahay in aan wax dan ahi ugu jirin guud ahaanba ummadda Soomaaliyee, sidoo kalena aanay ummadda soomaaliyeed doonayn in mar kale dalka dib loogu celiyo 4.5” sidaa waxaa yiri Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ku dheeraaday horumarada la taaban karo ee ka taabba galay guud ahaanba Puntland oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland  iyo baahinta maamulka oo ay ugu horrayso dhismaha golayaasha Deegaanka ee Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Dawladdiisu ay hirgelinayso hannaanka xisbiyada badan dhowaana uu magcaabay guddigii doorashooyinka taasina ay ka dhigan tahay in Puntland ay ku tallaabsanayso hannaanka dimuqraadiyadda isla markaana uu qof waliba oo reer Puntland ahi uu codkiisa ku dooran doono cidda uu doonayo.

1461908_1160234790660928_848351639_n 12087460_1160234970660910_1000371824_n 12248782_1160234907327583_1647953756_n 12324885_1160234730660934_200278470_n 12516403_1160234797327594_1058016831_n 12825178_1160234857327588_2011000038_n 12825446_1160233523994388_748202213_n 12833403_1160234833994257_753727205_n 12833415_1160234130660994_123473662_n 12833417_1160234817327592_1221937652_n 12834762_1160234313994309_222932892_n 12834823_1160234943994246_159259601_n 702766_1160234490660958_342757275_n 1058390_1160234757327598_6935749_n


995356_1214941745202335_723029661924986571_n

1914907_1214943305202179_846909213539761803_n

1918601_1214941888535654_9014069632917428103_n

1935633_1214941748535668_6429352538036065099_n

1935633_1214942055202304_6077777022552277001_n

10001519_1214942368535606_8011892992197750801_n

10006960_1214943588535484_8195687341137496796_n

10356172_1214943295202180_7009165688646607499_n

1935633_1214942055202304_6077777022552277001_n

10001519_1214942368535606_8011892992197750801_n

10006960_1214943588535484_8195687341137496796_n

10399128_1214942895202220_752339488669060014_n

10610655_1214942468535596_3700760075573337649_n

12809743_1214942061868970_7982218648903999378_n

12821555_1214942508535592_7624982355952430192_n

12804675_1214943245202185_478627723426993284_n

12806074_1214942591868917_2416672100613783994_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369