Deegaanaada Hoos Yimaada Degmada Waaciye ee Puntland ayaa Waxa ka jirta Abaar iyo Biyo La,aanXoog leh,taas oo Saameyn ku yeelatay Nolosha Dad iyo Duunyoba.
Abaarta ugu daran ayaa ka jirta Dhanka Miyiga ee Degmada Waaciye,iyadoona ay sidoo kale aagaasi ka jirto Biyo La,aan Xoog Leh.
Abaartan Xooga Leh ee ku dhifatay Deegaanada Degmada Waaciye ayaa kusoo Beegan Tahay,Xili Maamulkii Degmada ee Gargaarka laga gaari lahaa Dadka iyo Duunyada ay abaartu Saameysay ay Xukuumada C/weli Maxamed Cali Gaas ay dhowaantan kala dirtay,xilalkiina qaar ka qaaday ,qaarna iska Casileen ka dib markii Culay Siyaasadeed la Saaray.
Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Deegaanada Degmada Waaciye oo Warbaahinta Raadreeb.com lasoo Xariiray ayaa Qurba Joogta iyo Ganacsatada Deegaanada Degmada Waaciye ka Socday inay gargaar Deg Deg ah lasoo gaaraan.
Sidoo Kale Waxay Baaq udireen Masuuliyiinta Sarsare ee Xukuumada Ka tirsan,iyagoona ugu Baaqay inay ilgaar ah ku fiiriyaan Xaalada Abaareed ee Deegaanka ka jirta.