Ciidamada Badda Australia ayaa gacanta ku dhigay Doon hub siday oo ku soo jeeday Soomaaliya, meel 170-neutical Mile u jirta Xeebaha Cumaan.
Hubkan ayaa ka koobnaa 1989 qoriga AK47, 100 gatnaalada garabka laga tuuro, 49BKm Russian ah iyo 60 hoobiye
Admiral David Johnston oo ka mid ah saraakiisha ciidanka badda Australia ayaa sheegay in doonida markii hore ay ka shakiyeen, taasna ay keentay in gacanta lagu dhigo.
Hubka ay siday Doonidan oo u qaab ekeyd nooc kaluumeysi ayaa lagu qariyay shabaqyada lagu jilaabto.
Waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo dalka laga keenay hubka iyo cida loo waday, waxaana la xaqiijiyay inuu hubkaas ku soo wajahnaa Xeebaha Soomaaliya.