Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa tacsi ka diray geerida Marxuum Caaqil Xasan Cuuke Afcade oo kamid ahaa Isimada soo jireenka ah ee Puntland oo ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale waxay tacsi ka direen geerida Marxuum Caaqil Maxamuud Maxamed Cismaan Caana-nuug oo ku geeriyooday dalka Hindiya ,waxayna alle uga baryeen in samir iyo imaan ka siiyo eheladii,asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay.
Mudane Axmed Cali Xaashi Iyo Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa labada marxuum eheladii ,asxaabtii iyo shacabweynaha Puntland uga tacsiyeeyay geerida ku timi,iyagoona ALLAAH uga baryey in janadii fardowsa uu kawaraabiyo qabrigana u waasicyo Samir iyo iimaan buuxana kasiiyo dadkii ay ka tageen.
Xubnaha sidoo kale tacsida ka diray geerida labada Caaqil ayaa kala ah
1-Caaqil Maxamuud Siciid Awmuse
2-Aqoonyahan Siciid Faarax Yare
3-Suldaan Maxamed Abshir Cabdi(Balbalo)
Dhammaantood waxay Alle uga baryeen in janadiisa fardowsa ka waraabiyo Marxuumiinta.
Si xushmad leh ayaan idin kaga codsaneynaa noogu soo daabaca.
Salaama.