Shirkii Baarlamaanka Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha ciidamada ayaa saacado badan, iyadoo aan loo kala kicin, doodaha iyo khudbadahana ay yihiin kuwo xasaasi ah oo diirada lagu saarayay arrimaha Amniga.
Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay, goor horena Saxaafada la amray inay dibada looga saaro, si looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ammaanka ah ayaa waxba la isu reebin, iyadoo uu dhacay faro isku taag dhanka mas’uuliyada amniga ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa goor sii horeysay dalbay in khadada la keeno, maadaama kulanka uu sii dheeraanayo, isla markaana ay jiraan Xildhibaano is qoray, si ay su’aalo u weydiiyaan Mas’uuliyiinta laamaha ammaanka.
Xildhibaano ayaa su’aalo kulul ka weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha Nabadsugida arrimaha amniga dalka, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada ay soo jeediyeen in la sameeyo is bedel lagu sameeyo Hey’adaha Hey’adaha ammaanka, ayna is casilaan, maadaama ay fashilmeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu laamaha ammaanka uu dusha uga tuuray eedeyn ah inay ka gaabiyeen dhanka amniga, waxaana Xildhibaano qaar ay inoo sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha uu iska difaacayay su’aalaha qaar.
Sidoo kale Taliyaha Nabadsugida Jen. C/raxmaan Tuur Yare ayaa isna ka hor hadlay Baarlamaanka, isagoo uga warbixiyay qorshayaasha dhanka amniga, isagoo xusay in Ciidamada ay har iyo habeen dadaal ugu jiraan sugida amniga, ayna jiraan waxyaabo badan oo la fashiliyay.
Si kastaba ha ahaatee kulanka oo wali socda, isla markaana uu albaabada u xiran yahay, ayaa aad u adag in laga helo xog rasmi ah, maadaama warbaahinta aysan goob joog ka aheyn, goor sii horeysay lagu amray inay banaanka u baxaan, markii cod loo qaaday.