Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilligan kulan gaar ah oo albaabada u xiran ku leh Xarunta Golaha Shacabka, kadib markii ay hor-imaan waayeen Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha amniga.
Hase ahaatee Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa kaliya hor-tagay Baarlamaanka, waxaana markii dambe Xildhibaanada Baarlamaanka ay fasaxeen Wasiirka, maadaama ay isla doonayeen in mar kaliya su’aalo weydiiyaan Wasiirka iyo Labadiisa Taliye.
Wararka aanu ka heleyno Xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in Xildhibaanada kulanka ay leeyihiin uga hadlayaan arrimaha ammaanka iyo baaqashada Taliyeyaasha Nabadsugida Qaranka Jen. C/raxmaan Tuur Yare iyo Taliyaha Booliska Jen. Maxamed Sheekh Xaamud.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay u yeeray Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada, waxaana 20-kii bishii hore sidan oo kale fadhiga Baarlamaanka uga baaqday Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida, markii Wasiirka uu warqad uu ku cudur daaranayo u qoray Guddoonka Baarlamaanka.
Lama oga kulanka ay leeyihiin Xildhibaanada go’aanka ay ka soo saarayaan, waxaana kulanka dibad joog ka ah Wariyeyaasha.