Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Waxa ka dhacay Baasaboorkiisii dalka Maraykanka ee uu Mudada ku noolaa.
Ujeedka Safarka Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ee dalka Maraykanka ayaa salka ku haya Cusboonaynsiinta Baasaboorkiisa dalka Maraykanka.
Ka Hor Safarkiisa Maraykanka Waxa uu Mudo ku sugnaa Xarunta Dalka Itoobiya ee Adis-ababa halkaas oo ay ku taal Safaarada dalka Maraykanka,isagoona ka codsaday in Baasaboorka loo Cusboonaysiiyo,balse Safaaarada ayaa Madaxweynaha usheegtay in Mudo Sadex Bilood ah ay qaadan karto Cusboonaynsiinta Baasaboorka,isagoona arintaas ku gacan seyray ka dibna dalka Maraykanka u duulay.
Madaxda Soomaalida ayaa Boqolkiiba Sideetan Waxa ay Leeyihiin Baasabooro dalal Shisheeye,waxayna inta badan Caqabado kala Kulmaan Xiliga loo Cusboonaynsiinayo.