Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan goor dhow ay ka dhaceen bartamaha magaalada.
Qaraxa hore ayaa ahaa uwo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu weeraray maqaayad ku dhow agagaarka Afar Irdoodka iyo goob laga qaxweeyo oo dadka fariistaan oo ku taal agagaarka Xarunta Dahabshiil.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ahaa qof naftii hure ah oo ku xirnaa jaakadaha qarxa, kaasoo beegsaday maqaayad ku dhow Afar irdoodka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in goobta qaraxyada ka dhaceen ay ku yaallaan goobaha faras magaalaha oo u badan maqaayado iyo goobo ganacsi kala duwan.
In ka badan 10-ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyadan, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxa loo adeegsaday gaariga.