Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ku Dhowaad 10-Ruux oo ku Geeriyootay Qarax Muqdisho ka Dhacay.

Dad kor u dhaafaya 10-ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyo caawa fiidkii ka dhacay agagaarka Hotelka SYL iyo halka lagu magacaabo Beerta Nabadda, iyadoo qaraxyada ay ahaayeen kuwo gil gilay magaalada Muqdisho.

Qaraxa hore ayaa ahaa baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ahaa mid aad u xooganaa, waxaana qaraxa hore uu sababay bur bur dhismayaal ku yiilay wadada laamiga.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay toogteen kooxo hubeysan oo isku dayay inay galaan hotelka, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay dileen ilaa afar nin hubeysan.

Qaraxa kale ayaa ahaa gaari la dhigay Maqaayadda Muno oo u dhow Beerta Nabada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa uu kaloo qaraxu saameeyay Beerta Nabadda oo ah goob loo dalxiis tago maalmaha jimcaha ay isugu tagaan dadweyne fara badan oo caruur ku jiraan, halkaasoo ay ku soo qaateen nasasho.

Is rasaaseyn muddo socotay ayaa goobta ka dhacay, waxaana jahwareerka ugu badan keenay rasaasta oo meel walba ka dhaceysay, isla markaana adkeysay in baabuurtii gurmadka deg dega ahaa ay goobta si deg deg ah u soo gaaraan.

Ku dhowaad labaatameeyo ruux dhaawacyo ah ayaa la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho, iyadoo badankood la geeyay Isbitaalka Daaru-Shifa.

Sidoo kale qarax kale ayaa dhacay oo ahaa gaari kale nawaaxiga Hotelka SYL, waxaana Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka NISA lagu sheegay in qaraxyada ay ahaayeen afar gaari.

Qoraalka la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay inay jirto dhimasho badan, hase ahaatee tiro sax ah ma sheegin, waxaana ay tilmaameen inay dad badan soo bad baadiyeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro khasaare baaxad leh oo sababay qaraxii hore oo ahaa mid laamiga oo dhan dumiyay, ayna jiraan gidaaro ku dumay dad hareer fadhiyay.

Meydadka dhowr ruux oo u badan haweenka qaadka iibiya, kuna dhow dhanka Madaxtooyada ayaa la sheegay in lagu arkay iyagoo ku dhex jira gidaar dumay.

Laamaha ammaanka ayaa ka digay inay jiraan baabuuro kale oo goobta yaalla inay walxaha qarxa ku jiri karaan, waxaana wali adag in la helo macluumaad dheeraad ah laga helo halka ay wax ka dhaceen, maadaama ay xilli habeen tahay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii caawa, isla markaana ay weerartay Hotelka SYL, dad degan hotelka ayaa xaqiijinaya in qaraxa hore uu saameeyay muraayadaha hotelka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles