Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo saaka dil toogasho ku fulisay saddex askari.

$
0
0

toogasho-150x150Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka ku fulisay dil toogasho saddex ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo horay Maxkamada ay dil ugu xukuntay.

Saddexdan askar ayaa saaka lagu toogtay Tiirka School Polizio, halkaasoo horay askar dilal geystay lagu toogtay.

Xukunkan dilka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan dowladda oo uu ugu horeeyay Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Jen. Mungaab.

Askartan dilka lagu fuliyay ayaa waxaa mid ka mid ah uu ahaa sarkaal ka tirsan dowladda, kuwaasoo horay u dilay askar iyo dad shacab ah.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid meesha ka saari karta tacadiyada ay geystaan ciidamada dowladda oo isugu jira dilalka iyo kufsiga oo horay Madaxweynaha uu sheegay in qofkii Gabar Soomaali kufsada la toogan doono.

Ma ahan markii u horeysay ee Maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuno dil ah ku fuliso askar ka tirsan dowladda, iyadoo dhowaan ay aheyd markii labo ka tirsan ciidamada dowladda oo mid ka mid ah lagu soo eedeeyay inuu gabar kufsaday lagu toogtay Fagaaraha School Polizio.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles