Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Duqa London”Britain waa in ay ka baxdaa Midowga Yurub”

$
0
0

Duqa magaalada London Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay inuu u ololayn doono in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

Go’aanka Mr Johnson, oo ah siyaasi caan ah oo saamayn leh, ayaa dharbaaxo ku ah ra’iisul wasaare David Cameron oo weydiistay xubnaha xisbigiisa muxaafidka in ay taageeraan in dalku uu midowga xubin ka sii ahaado marka la qaado aftida bisha Juun.

Isagoo wariyeyaasha la hadlayey ayuu Mr Johnson sheegay in midowga Yurub uu si tartiib ah meesha uga saarayo madax bannaanida Britain ee dhinacyada shaqaalaynta iyo kantaroolada  xuduudaha.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Duqa Magaalada London.

election-best-bori_3296441b

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles