Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasiirada Arimahada Gudaha iyo Maaliyada Puntland oo Degmada Waaciye ku Sugan.

Degmada Waaciye ee Puntland ayaa Waxa Soo Gaaray Wafdi Heer Wasiir ah,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane.Axmed Karaash,Wasiirka Maaliyada Puntland Mudane.C/laahi Shiikh iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Coll.C/risaaq Afguduud,iyadoona Wasiirka Dekedaha Puntland isna laga laga sugayo dhanka Magaalada Bosaaso in uu ka yimaado gelinka dame ee Maanta,isla markaasina Degmad Waaciye  Soo Gaaro.

Ujeedka Booqashada Wafdigan ee  Degmada Waaciye ayaa salka ku haysa Xal u helida Colaadii Xangay iyo Weliba Muran Saacadihii ugu dameeyey ka taagnaa Wareejinta Kastamkii Degmada Waaciye ee Shalay loo wareejiyay dhanka Magaalada Juurile.

Xubno uu ka mid  Yahay Wasiirka Maaliyada Puntland Mudane.C/laahi Shiikh ayaa arintan Wareejinta Kastamka Canshuuraha Degmada Waaciye ee Juurile loo Wareejiyey  si weyn uga soo Horjeeda,isagoona taas sabab uga dhigay in Dhaqaalihii Tuulada Alxamdullilah ay Reer Qardhoodku ka qaadan jireen uu hoos u dhacay 24-Saac ee aynu soo dhaafnay,waana sababta keentay in Wafdi Heer Wasiir ahi uu maanta Degmada Waaciye Yimaado.

Sidoo Kale Qorshan Wareejinta Kastamka Canshuuraha ee loo wareejiyay Magaalada Juurile ayaa waxa si weyn uga soo Horjeeda Madaxweynaha Puntland Mudane.C/weli Maxamed Cali Gaas.

Dhanka Kale Maamulka Degmada Waaciye ayaa iyana ku adkaysanaya in Kastama Canshuuraha ee degmada Waaciye loo Daayo Magaalda Juurile,iyagoona sheegay in dhaqaalaha kasoo xeraaday Mudadii uu kastamku juurile yaalay uu ka badan yahay markii uu  Waaciye iyo Alxamdullilaah yaalay,iyagoona ku caga juglaynaya inay Iscasili doonaan hadii Juurile kastamka laga qaado.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC01361

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369