Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Hay”adda UNHCR Oo dib u Billowday celinta Qaaxootiga Soomaalida ee Kenya.

$
0
0

Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay inay dib u billowday celinta qaxootiga Soomaalida ee xeryaha qaxootiga ee Kenya, kadib markii uu hakad galay muddo bila ah.

Hey’addu waxey sheegtay in qaxooti gaaraya 218 qof oo saaraa shan bas ay tageen magaalooyinka Luuq iyo Baydhabo dhamaadkii bishii January ee sanadkan

Hadalkan ayey UNHCR ku sheegtay warbixinteeda labadii todobaadba mar ay soo saarto oo ka soo baxday magaalada Nairobi.

Qunsulka Safaaradda Somalida ee Kenya, Cali Maxamed Sheekh “Bagadi”ayaa u sheegay VOA-da in tan iyo markii UNHCR, dowladda Somalia iyo Kenya ay heshiiskan dib celinta gaareen 2013-kii Bishii December, dib loo celiyay qaxooti gaaraya 9242 qof oo kala tagay, Luuq, Baydhabo, Kismaayo iyo Muqdisho.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles