Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra”iisulwasaarihii Hore ee Yuhuuda oo Xabsiga la dhigay.

$
0
0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Yuhuuda  Ehud Olmert ayaa waxaa maanta oo isniin ah (2/15/2016) u billowday 19 bilood oo xabsi ah, sababo la xiriira laaluush qaadasho iyo is-hortaag uu ku sameeyey caddaaladda.

Ka hor inta uusan 70 jirkaasi galin xabisga Maasiyuhu ee bartamaha Israel, ayaa waxa uu baahiyey Video uu ku sheegtay inuusan wax dambi ah gelin.

“Ra’iisul wasaare ahaan, waxaa mas’uuliyadda ugu weyn ay iga saarneyd ilaalinta dadka Israel. Maantana waxaan ahay kan xabsiga la dhigayo” ayuu yiri.

Ehud Olmert ayaa waxaa sanaddii 2014 lagu helay dambi ah inuu aqbalay kumanaan dollar oo laaluush ah, oo uu ku qaatay mashruuc dhismeyaal looga fulinayey magaalada Jerusalem, xilli uu ahaa duqa magaaladaas.

Maxkamad ayaa markii hore ku xukuntay Olmert lix sano oo xabsi ah, hase yeeshee maxkamadda sare ee Israel ayaa xukunkaas laaday, kuna soo yareysay xabsiga 18 bilood.

Maxkamad hoose ayaa kadib ugu dartay bil dheeri ah, sababo la xiriir is-hortaag uu ku sameeyey caddaaladda.

1F5B7FE4-1539-462D-A9CF-E3B854066FFD_w640_r1_s_cx0_cy3_cw0


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369