Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maamulaha Guud Ee Man United David Gill Oo Ka Tagaya Shaqada Kooxda Manchester United.

$
0
0

Maamulaha guud ee kooxda Manchester United David Gill ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagi doono shaqadiisa kooxda Red Devils 30ka bisha June.

Warbixin la soo dhigay website-ka kooxda Manchester United ayaa lagu sheegay in 55 jirkaan uu ka tagi doono kooxda xagaaga, taasoo u ogolaaneysa baa lagu yiri warbixinta in United ay hesho maamul cusub iyo fekrado cusub.

Manchester United ayaana xaqiijisay in ku xigeenkiisii Ed Woodward ayaa bedeli doona Gill marka la gaaro 30ka bisha June.

Gill ayaa qeyb weyn ka soo qaatay xilligii guulaha ee Manchester United markaasoo uu ka ahaa agaasime, ka dibna waxa uu la wareegay maamulka guud markii uu kooxda ka tagay Peter Kenyon 2003dii.

Gill ayaa sidoo kale xubin ka ahaa FA-ga tan iyo 2006dii, dhawaana waxa uu ka noqonayaa gudoomiye ku xigeen, halka wiilkiisa Oliver uu ku jiray akadeemiga kooxda ka hor inta uusan kubada cagta ka tanaasulin si uu jaamac u dhigto.

957668-15727910-640-360


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles