Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Abaaro Ba”an oo laga soo sheegayo Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.

$
0
0

Cunto yari  iyo biyo la,aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa deegaano badan oo hoos yimaada gobolka nugaal – Puntland ee Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan wararka aanu halkaasi ka heleyno xaalad abaar ah ayaa ka jirto tuulooyin badan oo hoos yimaado gobolka Nugaal gaar ahaan degmooyinka Dangoronyo iyo Eyl.

Wariyaal booqday deeganada ayaa soo arkay dhibaatooyin u badan biyo la,aan oo ay la ildaranyihiin dadka deegaanka, waxaana laga cabsi qabaa saameeyn xoogan in ay ka dhalato abaartan.

Soomaaliya ayaa waxaa sanadkaan laga cabsi qabaa abaayo in ay ku dhiftaan, kadib marki labadi sano ee lasoo dhaafay ay xilliyadi roobka ahaayeen kuwo aad u yar.

Todobaadki hore waxaa abaaro laga soo sheegay qeybo ka mid ah gobolka Gedo, halka gobolada dariska la ahna ay dadka qaar sheegayaan in ay jirto saan saan cunto yari iyo biyo la,aan ah.

Abaarti ugu xumeyd ee qarnigaan ku dhifata Soomaaliya ayaa aheyd tii sanadki 2011-ki markaas oo ay kumanaan kun oo ruux u dhinteen cunto la,aan, waxaa taasi ay keentay in aduunka uu usoo gurmado.

Abaaraha-Wadanka


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles