Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Musharixiinta kala Ah Sanders Iyo Trump Oo Ku Guuleystay Doorashadii New Hampshire.

$
0
0

Musharaxa hanti-wadaagga aaminsan ee xisbiga dimoqraadiga iyo maal-qabeenka Jamhuuriga ah ee Domaldo Trump ayaa ku kala guuleystay doorashooyinkii madaxtinimada ee xisbiyada oo xalay ka dhacay gobolka New Hampshire.

Sanders ayaa helay 60 boqolkiiba codadka dimoqraadiga, halka Hillary Clinton oo la tartantay ay heshay 38% codadka.

Trump ayaa isna guul weyn ka gaaray dhinaca xisbiga Jamhuuriga, oo musharaxiin badan ay kula tartameen, isaga oo helay 35 boqolkiiba.

Kaalinta labaad ee xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa galay barasaabka gobolka Ohio, John Kasich, oo helay 16 boqolkiiba codadka.

Natiijooyinkan ayaa ka turjumay codadkii ra’yiga ee horey loo sameeyey oo muujinayay in Sanders iyo Trump ay labaduba ku guuleysanayeen tartankii New Hampshire.

Tartanka xiga waa kan ka dhacay gobolka Koonfureed ee South Carolina, oo la qabanayo 20-ka February.

6DB34096-1A12-4F5C-A48C-010779379974_w640_r1_s


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373