Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM oo qabsaday Golweyn, Shabeellaha Hoose.

$
0
0

Ciidanka-dowladda-300x225Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika – AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka isbahaysanaya ayaa dagaal kula wareegay deegaankaasi, waxayna ku wajahan yihiin deegaanka Buulo-Mareer iyo degmada Baraawe oo ay ku sugan tahay kooxda Al-Shabaab.

Ilo ku dhow maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya inay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM u jiraan deegaanka Buulo-Mareer masaafo lagu qiyaasay 10 km.

Ciidanka ayaa ka ruqaasaday degmada Qoryooley, deegaannada Kabtan iyo Danow.

Ilaa hadda lama garanayo khasaaraha uu geystay dagaalka.

Waxaa qeybo ka tirsan dalka ka billowday howlgal milateri oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay kooxda Al-Shabaab uga saarto deegaanno badan oo ay iminka ku sugan tahay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369